Thursday, September 24, 2009










Maamulka Kismaayo oo magaca badashay

By Sahra Abdi Ahmed Nairobi23-September-2009
Maamulka Islaamiga ee Kismaayo ayaa sheegay inay badaleen magacoodii kuna badalaeen Walaayada Islaaamiga ee Jubooyinka. Maamulkan cusub wuxuu sheegay inay hoostagayaan maamulka kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Xassan Yacquub oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka Islaamiga ee Jubooyinka ayaa sheegay in isbedelkani aanu wax xiriir ah ku lahayn khilaaf mudooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay dhinacyadda Islaamiga ee Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan oo si toos ah ugu dhaxeeya Al-Shabaab iyo Raas-Kaanbi uu u muuqdo mid sii xoogeysanaya, balse labada dhinac ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan khilaafkaasi.
Dadka qaarkood ayaa sheegaya in maamulkan cusub iyo magac badallidani oo la sheegayo in labada dhinac aysan u dhamayn u keeni karo khilaafka oo sii xoogesyta. Xisbul-Islaam ayaa waday qorshe labada dhinac lagu dhex-dhexaadinayay balse ilaa haatan aan guuleysan
Sheekh Yacquub wuxuu mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in Madaxweynaha Uganda uu xusay in ciidamada AMISOM ay tagi doonaan qaar ka tirsan gobollada dalka Soomaliya, in taasi tahay mid Madaxweynaha Uganda uu ku doonayo inuu lacag iyo mashaariic uga soo qaato beesha caalamka. Sh. Yacquub wuxuu sheegay in ciidamada Uganda oo qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika aysan awood u lahayn inay ka baxaan saldhigyadooda Muqdisho.

Sh. C/raxmaan Macow oo ku biiray Xisbul-Islaam

By Abdirahman Aynte Washington24-September-2009By Abdirahman Aynte Washington24-September-

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Sh. C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray xisbul-Islaam. Macow ayaa go'aankiisa ku macneeyey mid uu ugu daneynayo danaha shacabka reer Hiiraan.
Sh. C/raxmaan Macow, wuxuu sheegay in inkasta oo ururka Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ay isku hadaf yihiin, balse sababta uu u doortay inuu Xisbul-Islaam ku biiro ay tahay in xubnaha Xisbul-Islaam ay isla ahaayeen Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo uu ka mid ahaa.
C/raxmaan Macow wuxuu sheegay in dhamaan dadka iyo odoyaasha Hiiraan ay isaga ku taageersan yihiin hadafka iyo ku biiritaanka uu ku biiray Xisbul-Islaam.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa horey ugu dhawaaqay inuu ka baxay dowlada KMG oo ku sheegay inaysan wax dan ah u hayn shacabka reer Hiiraan. C/raxmaan Macow wuxuu beeniyay in ka tagitaankiisii dowlada ay ka danbeysay kadib markii ay u suurto gali wayday inuu jago ka helo dowlada KMG